Saaxil.net Forum

 Waxaad  ku soo  ban dhigi kartaa  figradahaada  ,  waaka madnuuc   Cayda , Aflagaado iyo wuxuu lamida

Saaxil.net Forum
Start a New Topic 
Author
Comment
Waxaa la yaaba Sifir ma' kulmiyuu ku jiray ? Xisbiga Kulmiye oo Sheegay In (Sifir) Xisbigii Ka Er

Xisbiga Kulmiye oo Sheegay In Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir) Xisbigii Ka Eryeen



Xisbiga Kulmiye oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn Somaliland, ayaa maanta shaaciyey in ay ka saareen xisbigooda xubin ka mid ahayd oo ku biirtay dawladda km ah ee dhawaan laga soo dhisay waddanka Kenya . Maxamuud C/llaahi jaamac "Sifir" oo loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo badda isla markaana ah Raiisulwasaare ku xigenka 1aad ee dawladda km ah ayaa laga xayuubiyay xilkii uu ka hayay xisbiga Kulmiye ,sida uu sheegay maanta Maxamaudd Cabdi "Iskeey" oo ah xogahayaha xisbigaa ee arrimaha dhaqaalaha . "Waxa uu u shaqa doontay Kenya hadda annaguna waan ka saarnay xisbigii wax uu u hayana ma jiraan waxa aana rumaysanahay sida uu Madaxwyne Riyaalaba horay u sheegay in aynu nahay laba dawladooda oo kala xakunto laba dal oo jaar ah sidaa unbaana kuwada hadli karanaa annaga iyo qolooyinka soo dhistay dawladda " ayuu yiri mr iskeey oo ku sugan magaalada Hargaysa

Re: Waxaa la yaaba Sifir ma' kulmiyuu ku jiray ? Xisbiga Kulmiye oo Sheegay In (Sifir) Xisbigii K

Waa goorma goorta xisbiga laga saaray Sifir Kulmiye!
waxaaba ka sii daran kan Xasan labo wajiile isna ka
baxay xisbiga Uxid

Re: Re: Waxaa la yaaba Sifir ma' kulmiyuu ku jiray ? Xisbiga Kulmiye oo Sheegay In (Sifir) Xisbig

Waxan qabaa sida loo horomarinkaro saaxil inay tahay sia hoos kuqoran@
In lagu dedaalo harumarinta tacliinta.Taasoo macnaheedu yahay in dugsiyada gobolka laga shaqeeyo oo caruurta da'da wax barasho joogta loogu dedaalo sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho.Waxa taasi ku iman kartaa iyadoo dhaqaale loogu talo galo oo loo huro.iyadoo la joojiyo dhaqaalaha la lunsanayo iyo musuqmaasaqa iyo iyadoo la raadiyo xaqa gobolku uu ku leeyay miisaaniyada dowlada.Iyadoo la joojiyo lacagta dowlada hoose oo loo qaado Hareysa oo lagu bixiyo harumarinta gobolka.
In loo dhiibo jagooyinka dowlada hoose iyo ta dhexeba dad wax yaqaan isla markiiba ah dad xilkas ah oo lagu aamini karo howlaha guud ee dadweynaha iyagan la siiyo dhaqaale ay ku noolaadaan oo ku filan.
In laxoojiyo kuliyada culuumta bada oo loodedaalo dibed iyo gudoba, af iyo adinba oo lagu xidho jaamacadaa la midka ah ee dibedda.
In dugsiga sare ee sheekh uu gaar u noqdo ardayda gobolka oon la ogolaan dadka gobolada kale ee dugsiyada leh ee hadan usoo boob tegeya dugsiga iyagoo adeegsanaya awooda dowlada waa inaan loo ogolaan.Masu;uliinta ama wasiirada gobolka u dhashay ee arintaa boobka ku taageeraya waa in lagala xisaabtamo oo haday ka tanaasuli waayaan aanay xil u qaadin gobolka.Xilkaasina waxa uu saaranyay xildhibaanada cusub.
In qorshaha megaalada Berbera la hagaajiyo.Dadka gobolka u dhashay ee raba inay wax u qabtaan aan la carqaladayn ee la soo dhoweeyo gaar ahaan dadka qurba jooga ah.
In la diyaariyo qorshe harumarin mashaariic ah oo loo diyaariyo maalgelina loo baadidoono.
In la sameeyo goob isku xidh joogta ah dadka dibeda iyo gudaha shirar is daba joogana la qabto oo lagu lafa gurayo arimaha, loona saaro arinta harumarinta aqoonyahano soo saara qorshooyin harumarineed oo buxa oo taabanaya dhinacyada waxbarashada,caafimaadka,beeraha,biyaha iyo bii'ada.
In la iska caabiyo cadaadinta ama weerarka ku liddi ah dadka gobolka dhinacyada baarlamaanka oo loo diiday cadadkii ay xaq u heli lahaayeen marka lagu dhufto 2.5 kii 1969.Waa in doorashada dambe ay noqoto mid lagu codeeyo bidaaqad iyo diiwaangelin xaq ah oon la been abuuri karin, arintaana ay bilaabaan ama hor geeyaan baarlamaanka xildhibaanada la doortay.
Sidaa iyo nabadeey
AbdiA.Ibrahim abdi5522@hotmail.co.uk
Waxan filyaa