Saaxil.net Forum

 Waxaad  ku soo  ban dhigi kartaa  figradahaada  ,  waaka madnuuc   Cayda , Aflagaado iyo wuxuu lamida

Saaxil.net Forum
Start a New Topic 
Author
Comment
Soomaaliland

Tallo Ku wajahan Soomaaliland.

Hadiiba reer somaliland tallo la isku leeyayay.
bal tanna iga hooya.

xaqiiqdunna waxay tahay in koonfur iyo waqooyi laba mid ay isugu yimaadaan midnimo ku dhisan garrasho (citiraaf), cadaalad, mag dhaw, iyo wax wada qeybi ku dhisan sharci aan cidina ku xadgudbi karin.


qormadiina waxaan idinku bilaabayaa in xaqiiqdu tahay:
Soomaaliland ha godo, Koonfur god khayaano baa ka qodane. Somalilandeey weligiina ha aaminnina Koonfur iyo waxa qabiil iyo qabyaalad ka dhex qooshan.

Hadey wada hadal aduunku idinku khasbana shuruudahan koonfur ku xira. Dabcan koonfurtu waa reera hunguri oo ma yeeli doonaane. Taa oo ka dhigi doonta koonfur in ay diido midnimo iyo wada hadal ku dhisan qodobadaas. Taas oo dhaxal siin doonta aduun weynahu in ay idin citiraafaan.
In marka **** koonfurta Soomaaliya aqoonsato in midnimada Soomaaliya ee 1960 kii ay ku timid kuna imaan karto: hada, in koonfurtu citiraafto jiritaanka labadii jamhuuriyad ee midoobay. lagana wada hadlo sidii loo dhisi lahaa kalsooni ay labada jamhuuriyad ku midoobaan. Tan waxay keenaysaa laba mid: in sida cadaaladaa labada jamhuuriyad wax u qaybsadaan iyo in koonfuri diido oo ay kala go,a mas,uul ka naqdaan. Sidaana aduun weynuhu ku citiraafo Somaliland. Halka Somaliland baa go,aysa aduunku qabana markaa waxa midnimada, wax wada qeybsiga, iyo cadaalada diidan, horayna u burburiyay ay Koonfurta Soomaaliya naqanayso.

Shuruudaha lagu xirayo oo aan looga jixin jixayna ay ahaato.

1-Caasimada oo waqooyi loo rarro, islamarkaana aan laga wada hadlin 57da sano ee soo socota.
2- Koonfur oo dhanna hal jamhuuriyad naqato.
3- Soomaaliya hadeyba midoobeyso, dalku in uu naqan doono laba jamhuuriyad ama State, kaas oo waxa ka dhaxeeya oo qura ay naqaneyso, bangiga dhexe, arimaha dibada iyo ciidanka ilaalada xuduudaha iyo badda oo dabcab si isla eg labada jamhuuriyad looga qorayo. Hogaanka ciidankana 57da sano ee soo socota ay Somaliland maamuleyso. Wax sharci ah oo ka baxsan inta lagu mideysan yahay mooyee ayanna jiri doonin sharci kale. jamhuuriyad kastaahina sharcigeedu uu gooni u ahanayo.
4- in madaxweynenimda Soomaaliland ku hor marto afarta sano ee ugu horeysa, kaas oo laga soo dooranayo golaha Soomaaliland, halka koonfurtuna ay qaadaneyso ra,isal wasaarraha lagana soo dooranayo gollaheeda Koonfurta Soomaaliya. Labada Jamhuuriyadna mid kastaahi ay doorato madaxweynaha jamhuuriyadeeda.
5- in koonfurtu ka tana susho dowladaan ku meel gaarka ah, taa oo ah dowlad qabqable iyo qabyaalad. Dalna aysan hogaamin Karin wax aan shacbigu soo dooran. Sidaa darteedna ay koonfurtu soo dhisato maamul shacbigu soo doortaan.

Qodobbadaan hadii ay koonfur aqbasho, ma arko wax Soomaaliland ay ka dido ama ay ka heleyso in ay gooni isu taagaan. Mar hadii caasimadii iyo maamulka ciidanka xagooda u soo wareegayo. Labada jago ee dowlada ugu sareysana ay mid sharci ahaan qaadanayaan. Wadankuna laba State( Jamhuuriyad) ahaanayo. Waqooyigu wuxuu naqanayaa hogaanka dalka. Marka adigoo hogaankii helaya ama hadii laguu diido citiraaf helaya maxaa si idinka ah, waa maxay tala xumidaan aad 13 sano ku jirtaan.
Waxaad ka didaysaan dib u eega laga yaabee in ayba idinka idinka didaane. Maxaa sidii fulay wadnaha afka idiin geliyay. Maxaa sidii dhoohane shaxda siyaasada idin garab mariyay. Awalba hal dheg baad dhal dhinac wax uga maqli jirteene, hada in qadara bal labada dhegood talladaan u fura “lacallakum tuflixuu.”
Wabillaahi towfiiq.
Fiiro gaara: Rayigaan wixii aan ku saxsanahay waa ilaahey mahadii, wixii aan ku qaldamayna waxay ka ahaadeen sheydaan.

Qore: Dr. Abdi Abukar Roble.
Feb. 7th. 2007.