Saaxil.net Forum

 Waxaad  ku soo  ban dhigi kartaa  figradahaada  ,  waaka madnuuc   Cayda , Aflagaado iyo wuxuu lamida

Saaxil.net Forum
Start a New Topic 
Author
Comment
View Entire Thread
Re: Sidee loo hirgalin karaa Saaxilsha weyn

Salaamad kabacdi bahda Saaxil net iyo Reer saaxil
Waxay ila tahay sida loo hormariyo Saxil ama A/L ba guud ahaan, waa iyadoo ladejiyo qorsho guud oo dowladeed oo ku dhisan qorsho gobol oo tilmaamaya baahida iyo sida loo dabooli karo.Waxa ha iyo jeer harumarka lama huraan u ah laba wax: waa xoolo iyo xooga dadka oo wax labaray. Markaa waxbarashada ayaa u sal ah haruumarkasta oo keeni karta maamul wanaag isku duba rida harumarka dalka.
Hadii aan gaar ahaan wax uga idhaahdo gobolka Saaxil wuxxu u baahanyay in maamulkiisa gacanta loogeliyo dad aqoon leh ee aan qabiil lagu dooran, maamulkaasna waxa looga baahanyay inuu xadido waxa hanti ah ee gobolka laga helo sida khayraadka badda, buraha, beeraha iwm. Dabadded waa in waxbarashada lagu dedaalo iyadoo lagu wajahayo baahida degdega ee gobolka.
Takale waxa loo baahanyay inay dadka u dhashay gobolka isbartaan inttoda wax garadku, ka shaqeeyaan sidii kalsoonida loo xoojin lahaa, si joogta ahna uga wada hadlaan sidii gobolka loo haruumarin lahaa shaqona loo abuuri laha, iyadoo ay iskaashanayaan dadka u dhashay debed iyo gudoba.
Ta u dambeysa, waa inay ku dedaalaan sidii xaqooda ama qaybta ay ku leeyiin dowlada u helaan, dad wax garad ahna u dirtaan iyada oo aan lasocono inrtanku aad u badan yay.
Ugu dambeyn waxaan u soo jeedin laha inuu maamulka saaxil isku dayo inuu samaysto xidhiidho dibedda ah isagoo ka faa'iidaysanaaya magaca taariikhiga ah ee Berbera gaara ahaan dalalka carabta sida imaaraatka(Shaariqa), Dubai, Jiddah iyo aduunka reer galbeedka, gaar ahaan waxa lagu magacaabo , mataanaynta magaalooyinka(twininning cities): waxa adeegsan kartaan xidhiidhka isgaadhsiinta internetka.
Waxan u rajaynayaa gobolka Saakil iyo guud ahaan Somalilandba nabad iyo barwaaqo.
Wa mahadsantin iyo nabadeey
A.Ibrahim

--- --- --- --- --- --- --- --- ---

Replying to:

As Wr Wb

Salaanta Islaamka kadib ;


I: Sidee loo hirgalin karaa Saaxilsha weyn ?
Maadaama beesha ugu badan Gobalka Saaxil aydagto
lixda gobal jamhuuriyada Somaliland ... shankamida iyo Caasimada Hargeysa ee jamhuuriyada Somaliland

1. Gobalka Awdal dhankiisa bari( dhanka Awdal bari)
2.Gobalka Hargeysa ( dhanka waqooyi bari )
3.Caasimada Hargeysa
4.Gobalka Saaxil
5.Gobalka Togdheer ( dhanka waqooyi )
6.Gobalka Sanaag ( dhanka galbeed )
iyo Xadka dalka itoobiya Xarshin iyo Gashaama