Saaxil.net Forum

 Waxaad  ku soo  ban dhigi kartaa  figradahaada  ,  waaka madnuuc   Cayda , Aflagaado iyo wuxuu lamida

Saaxil.net Forum
Start a New Topic 
Author
Comment
Somaliland

Ku : (Halgan ) Waxgradlka Reer Somaliland Gudaha iyo debedda

Ka: Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf


الحمد لله رب العالمين و العاقة للمتقين و لا عدوان الا على الظالمين
أللهم اجعل بلدنا صوماللاند بلدا امنا مطمئنا رخاءا و سائر بلاد المسلمين امبن يا رب العالمين

Alle ha u naxariisto Somaliland ma waxay haysaa :
Wadadii 60kii

Somaliland waa dheri saaran saddex dhardhaar:

1) Dhardhaarka loo yaqaan "Golaha Wakiilada"
2) " " " " Golaha Guurtida "
3) " " " " Golaha Xukuumadda"

Waxaa muuqata in Dhardhaarkii ahaa Golaha Wakiilada oo ay hogaankiisa hayaan shirguddoon mucarad ihi uu saqiirayo somaalilandna xagiisa ka ciirayso.Waxaa sabatu tahay in shirguddoonkii distoorkii iska laalay oo uu qarddo jeex iyo ku jiqsii ka doortay.

Qardojeexa iyo ku-jiqsiida kuwa ugu waaweyn:

1) Shilkii Dhakhtarka ka dhacay oo shirgudoonka guluhu daf iska yidhi oo goaammo ka soo saqaray. Waa Arrin fulineed oo aan Shirguddoon shaqo ku lahayn.
2) Arrintii Caanka ahayd ee Aamina Weris oo Xubno Golaha ka mid ah iyo Shirguddoonku daf iska yidhaahdeen siday yihiin xafiis shaqo iyo shaqaale.
3) Dhawaaqii ka soo baxay shirgudoonka markuu yidhi " la shaqaynkarimaynno Xukuumadda" ayada oo aanu Goluhu isku raacin.
4) sharciyo dhawr ah oo Golaha Wakiilada lagu soo celiyay oo ay ahayd in Shirguddoonku golaha horkeeno hase yeeshee shirguddoonku qardojeexsiiyay. Waxaa ka mid ah.

• Sharcigii ku sabsanaa kordhinta mudada oo Golaha Guurtidu dib ugu soo celiyay Golaha wakiilada oo aan golaha la soo hordhigin
• Sharcigii lagu ansixiyay miisaaniyadda 2007oo Madaxweynuhu dib ugu soo celiyay Golaha oo ahayd in golaha lala sugo inta uu fasaxa ka soo laabanayo hase yeeshee Shirguddoonku qardojeexsiiyay oo dib ugu celiyay Madaxweynihii
• Sharcigii ku saabsanaa Komishanka oo madaxweynuhu ku soo celiyay Golaha oo isgana dib loogu celiyay M/weynaha ayada oo aan loo soo bandhigin Golaha.
5) Wixii sharci ahaa ee xagga Xukuumadda ka yimi oo qodobadii dawladdu soo jeedisay 90% la bedelo oo marka loo gudbiyo madaxweynaha isna soo celiya isgoo ku tilmaama inaan bedelaadda Goluhu sameeyay aanay distoori ahayn ama shaqadii la kala lahaa isku dartay ama isweydaarisay.

Arrimaha aan soo sheegay waa arrimaha ragaadiyay Somakliland tan iyo intii Golaha cusubi shaqda bilaabay in ka badan sanad iyo badh.
Mudanayaasha barlamaanklu inkasta oo ay u badanyihiin rag khibrad iyo cilmi leh haddana waxaa ka sayid caleeyay xisbiga ay ka soobaxeen oo doonaya tiisa mooyaane inaan tu kale ka socon barlamaanka.

6) Guuldarooyinka kale waxaa ka mid ah:
• Hanjabaad iyo aflagaada aan xad lahayn ee ku wajahan Madaxweynaha JSL . waxaan maqalay in madax ihi yidhaahdaan "ulbaan kaga saari Riyale Qasriga madaxatooyada". Rag kalena yidhaahdaan "Waxba Riyaale maqliwaaye anaga ayaa dhego u tumi"
• Miidhiyaha oo weerar cay joogta ah ku haya Madaxweynaha. Haddii la isyidhaahdo sharciga mariyana lagu hajabayo waxa dhaca dhegahaa faraha la gelin.
• Ururada Siyaasadeed aan sharciga ahayn ee lagu dhawaaqay oo looga jeday in raga siyaasiinta ah eek u dhaqawaaqay xabsiga loo taxaabo ha yeeshee aan talaabolaga qaadin..
• Xisbiga Kulmiye oo taageersana kordhinta muddada Komishinkii **** oo diidan inuu komishanka cusub xubintiisa ku soo kordhiyo. Taasood mooddo inaanu Komishankii **** dhexdhexaad-nimasdiisa suaali ka oognayd .

Nuxurka Arrimaha aan ka soo sheekeeyay waxa weeye sidan:

(1) Weerar saddex geesood ah oo ku wajahan Madaxweynaha oo kaga imanaya
• Shirguddoonka oo golaha Wakiilada ku maamula hab siyaasadeedka Mucaaradka.
• Miidhiyaha oo gacanta ugu jira Mucaaradka
• Mucaarad oodihiisi wata oo qaran dumis ah oo aan weli la dhaadin oo aanay mar qudha fitnadiisu damayn.

Maxaa haddaba looga jeedaa waxaa? Waxaa looga jeedaa in bal la isku dayo in laga tukhuntukhiyo Riyaaale xukunka ayada oo aan mudadiisi dhamaan.

(7) Maxay keenikartaa Madaxweyne isaga mooyaane aan lagula
dhicikarin " ulbaan kaga saari Qasriga"?
Annaga ayaa dhego uu tumi uu wax ku maqlo ?
Maxay gelinkartaa Madaxweynaha laftiisa oo nin Somali ah oo lagu
aaminay xilka umadda oo dhan.?Maxay gelinkartaa taageerayaashiisa?
Ninkii Caqli lihi waa garanayaa nacasna loo sheegimaayo.

(8) Waxaas oo qas ah oo dhacaya wuxuu M/weyne Riyaale ku
tuntuunsaday in Distoorka uun lagu dhaqmo oo wixii aan distoorka waafaqsanayni uu baadil yahay. ( Waa tan uu ka hadlay maanta oo ah 02/05/2007 Madaxweyne Riyale ) Wixii sharci ah ee aan Distoorka waafaqsanayn Gole kasta haka yimaadee wuu celiyaa Dabeedna sharci buu noqdaa haddii loo waayo 55 cod oo lagu buriyo. Waata golaha wakiilada ku dhacday markii lagu soo celiyay (1) Sharcigii ku saabsanaa Muddu kordhintii