Saaxil.net Forum

 Waxaad  ku soo  ban dhigi kartaa  figradahaada  ,  waaka madnuuc   Cayda , Aflagaado iyo wuxuu lamida

Saaxil.net Forum
Start a New Topic 
Author
Comment
Caasimada Gobalka Saaxil waa in loo raraa degmada Laasgeel( Dacarbudhuq)

Caasimada Gobalka Saaxil waa in loo raraa degmada Laasgeel( Dacarbudhuq)
Berbera loo daayo uun inay noqoto magaalo ganacsi



Waxaa sanooyinkan danbe sii batay in maalinba maalinta ka danbeysa ay dadkii asal ahaan u lahaa magaalada Berbera ay ka sii guurayaan magaalada Berbera sababo la xiriirta kuleylka adceeda magaalada iyo dayac ku yimid adeegii guud ee daryeelka magaalada .
Waxaa quman intii maalinba maalinta ka danbeysa ay dadkii asal ahaan u lahaa magaalada Berbera ay ka sii yaraan lahaayeen magaalada , in magaalada Berbera laga badalo caasimada gobalka saaxil
oo Berbera loo daayo uun inay noqoto magaalo ganacsi , maamulka iyo caasimada loo wareejiyo oo loo raro degmada Laasgeel
Degmada Laasgeel waxay ku taal oo kala bartaa magaalada Hargeysa iyo magaalada Berbera
Degmada Laasgeel waa magaalo qabow oo ku fiican in dadku **** , waa magaalo indhuhu soo jiidaneysa oo leh dhir kala noocnooca isla markaana ay ku dul wareegsan yihiin buuro ay kabaxaan dhir iyo doog qurxoon
Waxaan xakuumada Somaliland ku boorin lahaa in degmada Laasgeel laga wareejiyo gobalka maroodijeex , islamarkaana lagu daro gobalka Saaxil si magaalada Berbera ay u ahaato magaalo ganacsi .....magaalada Laasgeel ay u ahaato caasimada gobalka Saaxil , isla markaana loo ilaaliyo danta guud ee faraha ka sii bixi rabta iyo sumada gobalka Saaxil ba.
Waxaan ku boorin lahaa Siyaasiinta iyo waxgaradka gobalka Saaxil waa in ay meel uga soo wada jeedsadaan sidii loo furdaamin lahaa dhibaatada keeneysa in Berberi noqon weydo Berberadeedii
Somalida waxay ku maahmaahdaa "Geeljire geela wuu wada jiraa wuuna kala jiraa "
Waxay dad badan u arkaan in Berberi markay caasimada gobalka noqotay seddex jiho looga soo guuray isla markaana xakuumada ay ka seexatay adeegga looga baahnaa in ay ka hirgaliso magaalada si ay magaaladu xafiisyada adeega bulshadu u wadashaqeeyaan isla markaana bulshada wax loogu tari lahaa , markaa waxaa quman in Berbera culeyskii la saaray laga dulqaado , oo caasimada gobalka laga wareejiyo

Re: Caasimada Gobalka Saaxil waa in loo raraa degmada Laasgeel( Dacarbudhuq)

wey haboontahay in caasimada Berbera ee Saaxil loo raraa laasgeel , lakin waxaa munaasib ah horta laasgeel halagu daro gobalka Saaxil

Re: Re: Caasimada Gobalka Saaxil waa in loo raraa degmada Laasgeel( Dacarbudhuq)


Gudoomiya degmada Laasgeel ( Dacarbudhuq) Maxamed Cismaan Abdi oo loo yaqaan Shabeel
Oo kawaramey Warshad weyn oo sameyneysa Kabaha , Hargaha iyo Waraaqaha oo laga hirgalinayo dagmada kuna bixidoonta lacag kabadan lixdan malyan oo doolar .....iyo qorshe ah in degmada Laasgeel loo sameeyo bariij